Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Al-shabaab oo fagaare ku dilay Sarkaal ka tirsan kooxda Daacish

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab.

Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] waxaana ay ku eedeeyeen Al-shabaab in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Sarkaalkan ayaa marka laga soo tago in uu hadda ka tirsanaa Ururka Daacish waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa Ururka Al-shabaab oo mar uu khilaaf soo kala dhaxgalay, laakiin markii danbe ayuu si toos ah ugu biiray Daacish.

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Leave A Reply

Your email address will not be published.