Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xaaska iyo aabaha dhalay ninkii isku qariyay Weerarkii Dhismaha DusitD2 oo la xirey

Xaaska iyo aabaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Dhismaha DusitD2 ayaa lagu xirey magaalada Mombasa sida ay sheegeen Booliska dalka Kenya.

Mahir Khalid oo la sheegay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay afaafka hore ee Dhismaha DusitD2 ayaa aabihii Khalid Riziki iyo xaaskiisa waxaa su’aalo weydiinaya kooxaha baaraya weerarkii DusitD2.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in xaaska Mahir oo magaceeda lagu sheegay Suhaila Mwalim Bakari ay xiriir toos ah la lahayd Mahir kahor weerarkii Talaadadii.

Sida ay Booliska Kenya sheegayaan Mahir ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kadib markii uu tababar muddo sanad ah soo qaatay.

Wararka la xiriira baaritaanka dadkii xiriirka la lahaa raggii weeraray Hotel Dusit2D ayaa sheegaya in ay Booliska Kenya ay baadigoob ugu jiraan haweeney magaceeda la yiraahdo Kemunto Omwoyo taasoo ahayd xaaska mid kamid ah dadkii weerarka ka geystey magaalada Nairobi Cali Salim Gichunge.

Leave A Reply

Your email address will not be published.