Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Boqor hore oo diiday in laga qaado dhacaanka hiddasidaha DNA

Boqorkii hore ee dalka Belgium, Albert II, ayaa ku gacan seyray in laga qaado dhacaanka hiddasidaha DNA-ga, si loo ogaado inuu yahay Aabbaha gabar dhalatay dabayaaqadii 1960-meeyadii.
Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Brusels ayaa boqorkan xilka ka dagay, oo ay da’diisu tahay 84 sano ku amartay inuu muddo 3 bilood gudahood ah ku oggolaado tijaabada calyada DNA-ga looga qaadayo.
Garsoorka ayaa ka digay in haddii uu fulinta amarkaas ku guul darreysto loo fasiran doono inuu isaga yahay Aabbaha dhalay Delphine Boël, oo hadda 50 sano jir ah.


Albert ayaa inkiray sheegashada ku aaddan inuu dhalay Boël waxaana lagu soo warramayaa inuu hadda raadinayo talo dhinaca sharciga ah oo u sahli karta inuu racfaan qaato.

Qareenada u doodaya Ms Boël ayaa soo dhaweeyay codsiga ku saabsan tijaabada dhacaanka DNA-ga.
Boqorkan ayaa sannadkii 2013-kii shaaciyay inuu howlgab noqonayo, isagoo sheegay iney lasoo darseen xaalado caafimaad darro. Waxa uu xilka ka dagay 21-kii bishii Luulyo ee isla sannadkaas, taasoo ku beegneyd maalinta qaranka ee dalka Belgium. Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in arrintani ay ka mid tahay sababaha ku kallifay inuu xilka boqortooyada ka dago.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.