Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daabicida Baasaboorka Soomaaliga oo hakad galay iyo dad badan oo dhibaato la soo deristay

Mawaadiniin badan oo Soomaaliyeed  ayaa caqabad adag kala kulmay helidda baasaboorka Soomaaliga, waxaana lagu waramayaa in la hakiyay daabacaada baasaboorka.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay inaan la daabicin wax baasaboor ah, waxaana kordhay tirada dadka dalbanaya baasaboorka ee maalin walbaa lagu balamiyo xarunta ay hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha ay ku leedahay Muqdisho

Dad u ambabixi lahaa arrimo caafimaad, qaar u bixi lahaa waxbarasho & kuwa ganacsi dalka dibadiisa u aadi lahaa,  ayaau xaniban Baasaboorka Somaliga.

Lamana oga xilliga rasmiga ah ee  dib loo bilaabi doono daabacista Baasaboorka Soomaaliga oo ah Dukuminti rasmi ah oo ay ku safraan mawadiinta Soomaaliya ee doonaya inay u baxaan safarada dibada ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

 

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.