Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ku dhawaad 10,000 oo arday ah oo u fariisatay imtixaanka kama dambeyska ee Jaamacadda UNISO

Waxaa si habsami leh uga socda xarumaha kala duwan ee jaamacadda Soomaaliya (UNISO) imtixaanka aakhirka ah ee Sannad dugsiyeedka 2018-2019 kaas oo ay u fariisteen 9,124 arday oo ka kala socota todoba kulyadood oo ay jaamacaddu ka koobantahay.

Imtixaanka oo billaabmay 30/01/2019 ayaa waxaa lagu galayaa 1,696 maado oo semesterka dhamaaday jaamacaddu ay ku bixisay kulyadaheeda kala duwan.

 

Maamulka Jaamacadda ayaa ardayda oo ay ku jiraan qaar gelay imtixiaankii ugu dambeeyay ee qalin jebinta u rajeeyay in imtixaanka ay ku dhamaystaan si nabad ah.

 

Jaamacadda Soomaaliya oo la aasaasay sannadkii 2005, lehna tayo waxbarasho oo sare ayna ka aflaxeen kumannaan jaamiciyiin ah, ayaa ah jaamacadda ugu ardayda badan Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.