Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

14 ruux oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay West Virginia

Afar iyo toban ruux ayey dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib markii wado ka tisan gobolka West Virginia uu shil ku galay gaari bus ah oo dad gaar ah u kireesnaa.

Laba qof oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayey qasab noqotay in dhaawacooda loo duuliyo Isbitaalo maxali ah si ay daryeel caafimaad oo degdeg ah u helaan.

Duqa gobolka West Virginia Jim Justice, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ugu duceeyay dadka ku dhaawacmay shilkaas gaari.

Gaarigaan ayaa waday ciyaartoy ka tirsan gabdhaha kubadda koleyga ee dugsiga sare ee Martinsburg.

Talafishinka WCHS, ee la shaqeeya ABC ayaa baahiyay in baskaani uu burburay xilli uu sii korayay Wadada halbowlaha ah ee i-64.

Filo xog dheeri ah oo ku saabsan shilkaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.