Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Hooyo & wiil ay dhashay oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Qaraxii maanta ka dhacay Xamar weyne

Saameynta murugada leh ee uu reebay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Baar Italia oo u dhow Muqdisho Mall, degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah hooyo iyo wiil ay dhashay oo ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxaas.

Hooyo Shukri C/llaahi iyo wiilkeedii Jacfar oo 17 sano jir ahaa ayaa ku sugnaa goobta uu ka dhacay qarixii maanta, waxaana  la sheegay in wiilku uu dhowaan ka qalin jebiyey dugsiga Sare uuna isku diyaarinayey waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda.

Caruurta ay ka tagtay hooyadan oo gaaraya lix ayaa waxaa ugu weynaa wiilka la geeriyooday, iyadoo midka ugu yarna uu maalmo kaliya ifka ku nool yahay.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad ka badan 20 qof, iyadoo dadka ku dhintay ay ka mid yihiin shaqaalaha Baarka, wiil caseeye ahaa iyo dad ku sugnaa baarka oo ay wehliyaan qaar kale oo xilligaas wadadda  marayey.

Qaraxan ayaa noqanaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan 2019ka ka dhaca guud ahaan Soomaaliya, waxaana masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Leave A Reply

Your email address will not be published.