Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qarax aan la garan waxa uu ka dhashay oo ka dhacay magaalo ka tirsan Mareykanka

Hal qof, ayaa geeriyooday ka dib markii qarax aad u xoogan oo waxa uu ka dhashay aan la garan uu ka dhacay meel  u dhow goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Albuquerque ee ka tirsan gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

Sargaal u hadlay Booliska magaalada Albuquerque,  ayaa sheegay inuusan jirin qof kale oo ku waxyeeloobay qaraxa, wuxuuna intaa ku daray in aan weli la ogaanin walxaha dhaliyay qaraxa galaaftay nolosha qofka geeriyooday.

Saraakiil qaabilsan Bambooyinka,  ayaa u cararay goobta qaraxa, waxayna amreen in la faarujiyo goobaha ganacsi ee u dhow aaga qaraxa.

Ma jirto qatar iyo waxyeelo kale oo uu sababay qaraxaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.