Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Soomaali ka yimid New Zealand ayay dambi Al-shabaabnimo ku weysay Maxkamad ku taalla Kenya

Al-Shabaab ayaa ku macneeyay weerarkan inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Madaxweynaha Maraykanka oo uu u aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israel.

Maxkamada Kenya ayaa xabsiga ka sii deysay Sulub Warfaa oo 36 sano jir ah kadib markii looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab.

Sulub Warfaa oo la hadlayay saxaafada markii ay sii daysay maxkamada Garisa ee gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa yiri:”Inaan ku dhashay Muqdisho macnaheedu ma ahan inaan ahay argagaxiso.”

Warfaa oo ka hadlayay sidii loola dhaqmay dhowrkii maalmood ee uu xirnaa ayaa sheegay inaysan wax jirdil ah oo lagula kacay ayna Boolisku si wanaagsan ula dhaqmeen.

“La ima jirdilin,saraakiishu howlahoodii ayay guteen,waana ku faraxsanahay inaan dib u helay xoriyadeyda.”ayuu yiri Warfaa.

Warfaa ayaa laga qabtay horaantii toddobaadkan meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya isagoo lagu eedeeyay inuu sitey labo Baasaboor oo magacyo kala duwan ay ku qoran yihiin.

Qabashada Warfaa ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Booliska Kenya ay sameeyeen howlgalo ka dhan ururka Al-Shabaab iyadoo baaritaano laga sameeyay xeryaha qaxootiga ee gobolka Waqooyi Bari.

Urur Al-Shabaab ayaa sheegtay weerar bishii hore lagu qaaday dhismo ganacsi oo ku yaal bartamaha magaalada Nairobi halkaa oo ay ku dhinteen inkabadan labaatan ruux soddomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa ku macneeyay weerarkan inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Madaxweynaha Maraykanka oo uu u aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israel.

Leave A Reply

Your email address will not be published.