Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Baarlamaanka Puntland oo go’aamiyay in si wadar ah loo ansixiyo Golaha Wasiirada Maamulkaas

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyey in si wadar ah loo horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida loo siiyo ama loogu diido Golaha Wasiirada Puntland.

Fadhiga uu yeeshay Baarlamaanka Putnland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa illaa 53 xildhibaan iyadoo markii cod loo qaaday qaabka loo siinayo kalsoonida Golaha Wasiirada ay u codeeyeen in si wadar ah loo horkeeno 26 mudane halka 24 ay diideen waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub.

Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee go’aankaas ayaa haatan meesha ka baxay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu  ku dhowaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan,iyadoo xilligii loo qabtay ay ku eg tahay maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Leave A Reply

Your email address will not be published.