Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dil argagax leh oo goordhow ka dhacay xaafad ka tirsan degmadda Hodan

Kooxo hubeesan, ayaa goordhaw xaafad katirsan  degmadda Hodan ee gobolka Banaadir ku diley nin sargaal ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in kooxaha hubeesan oo watay gaari yar ay sargaalkan dileen xili uu dukaan wax ka iibsanayay , kooxda dilka geesatay ayaana horey uga baxsatay goobta ay ku dileeen sargaalkan.

Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur, ayaa ka mid ahaa booliiska ka howgla degmada Hodan , waxaana goobta lagu dilay sargaalkan baaritaano ka sameeyay ciidamo booliis ah oo ku guul dareestay in ay helaan ragii dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto ciidamada dowlada iyo shaqaalaha kale ee dowlada federaalka ayaa si caadi ah uga dhaca Muqdisho, waxaana inta badan ka baxsada raga hubeesan ee fuliya dilalkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.