Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne African ah oo qarka u saaran in xilka laga tuuro

Milateriga dalka Chad ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan oo fallaago ah, ka dib hawlgal uu ku beegsaday xooggag doonay inay dalkaasi kaga soo tallaabaan xuduudda Liibiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in tiradaasi badan ee dagaalyahannada la qabtay ah ay ku jiraan afar taliye, halka ay hawlgalkaasi ku gubeen 40 gaari oo ay wateen xooggagaasi.

Fallaagooyin isbahaystay oo la magac baxay Union of Forces of Resistance (UFR), isla markaana diiddan xukunka Déby ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin dhaq-dhaqaaqa ka socda xuduudda Liibiya.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa u suurtagashay inay boqolaal kilo mitir gudaha u soo galaan dalka Chad ka hor inta aan laga hortegin sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Dhaq-dhaqaaqan ay samaynayaan fallaagada ayaa qeyb ka ah khatarta isa soo taraysa ee ku wajahan xukuumadda madaxweyne Idriss Déby.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Chad ayaa ku soo warramaysa in taliyaha UFR, Cismaan Teguene, ay suurtagal tahay inuu ka mid yahay dagaalyahannada la qabtay.

Madaxwyne Déby ayaa xukunka hayay tan iyo sanadkii 1990 markaas oo uu inqilaab milateri kula wareegay awoodda madaxtinnimada.

Sanadkii la soo dhaafayna, baarlamaanka Chad ayaa ansixiyay dastuur cusub oo ballaariyay awoodaha madaxweynaha, isla markaana u sahli kara inuu xafiiska sii hayo tan iyo sanadka 2033-da.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.