Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daawo: Golaha Wasiirada Puntland ee xalay lagu dhawaaqay

Warbaahinta madaxa bannaan iyo tan maamulka ayaa looga yeedhay Xarunta  Puntland TV, Iyadoo la sheegay in looga dhowaaqayo Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland.

“Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa loo diiday in ay tabiyaan Warka ku saabsan Xukuumada cusub ee Madaxwaynuhu soo dhisay, Wariyaasha tagay Xarunta Warbaahinta dowlada PL si ay warkaas bulshada ugu tabiyaan ayaan la kulmay dhaqan ugub ku ah Puntland iyadoo lagu war galiyey in marka Tvga dowladu baahiyo ka dib loo ogolaan doono warbaahinta Madaxa banaan .”

Takoorka Warbaahinta Madaxa bannaan ayaan horay uga jirin Puntland Waxaana dowladihii Deni ka horeeyey warbaahinta madaxa banaan iyo mida dowlada u adeegsan jireen si siman

Madaxayne DENI ayaa maalmihii ugu dambeeyay Wadey Xulashada  Wasiirada Cusub,  Waxaana maanta baarlamka Puntland Ansixiyey Sharci dhigaya in Golaha wasiirada hal mar Cod loo wada Qaado.

Wakhtigii dheeraadka ahaa ee Madaxwyane Siciid DENI ku darsaday inuu kusoo magacaabo Wasiirada Cusub ayaa ku eg maalinta Berri ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.