Daawo: Warbixin Cajiib ah oo laga diyaariyey eedaymaha uu Muuse Biixi u jeediyo Madaxweyne Farmaajo
Telefishinka Horyaal, ayaa Warbixin ku eegay Eedaymo kala duwan oo Madaxwaynaha maamulka la magac baxay Somaliland Muuse Biixi Cabdi u jeediyey Madaxwaynaha DF Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa lasoo Bandhigay Muuqaalo tiro badan oo Muuse Biixi ku eedaynayo Madaxwayne Farmaajo, balse arrinta Cajiibka ah ayaa noqotay inaanu wax Jawaab ah ka helin dhinaca Muqdisho.
Dhinaca kale Warbixinta ayaa lagu xusay hadal horay uga soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiramaan Cirro oo sheegay inaanu Muuse biixi seexan, isaga oo aan Farmaajo la hadlin.