Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne socodka gabay oo markii shanaad u tartamaya hoggaaminta dalkiisa

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay Axadii shalay inuu markii shanaad u tartamayo xilka Madaxweynaha dalkaas doorashada soo socota ee bisha April dhaceysa.

Abdelaziz Bouteflika oo 81 jir ah ayaa dalka Algeria xukumayay tan iyo sanadkii 1991-dii, waxaa haatan lagu wadaa kursiga curyaamiinta.

“Iyadoo laga jawaabay dhammaan codsiyada iyo baaqyada, waxaan caddeynayaa in aan ahay Musharaxa doorashada Madaxweynaha”ayuu yiri Bouteflika.

Mr Bouteflika ayaa si dhif iyo naadir loogu arkaa goobaha dadweynaha, tan iyo sanadkii 2013, xilligaas oo uu ku dhacay Stroke.

Saddex bilood ayuu Isbitaal ku jiray, isagoo koomo galay, waxaa xisbiga talada haya ku doodayaa inuu Musharax u yahay doorashada 18 bisha April dhaceysa.

Mucaaradka Algeria ayaa su’aal ka keenay caafimaadka Madaxweynaha iyo inuu mar kale u tartamo xilka Madaxweynaha Algeria.

Leave A Reply

Your email address will not be published.