Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sen. Amy Klobuchar “Waxaan u tartamayaa waalid kasta oo duni wanaagsan la doonaya carruurtiisa”

Sen. Amy Klobuchar, ayaa ku dhawaaqday ololaheeda doorashada 2020 ka dib isku soo bax ka dhacay Gobolka ay ka soo jeedo Senetaradaas ee Minnesota.

Amy Klobuchar, ayaa si xamaasad ka muuqato ula hadashay taageerayaal kor u dhaafaya sagaal kun oo qof oo isugu soo baxay dhul banaan oo uu baraf qariyey.

Klobuchar, ayaa sheegtay in ajandaheeda doorashada uu ka mid yahay daryeel caafimaad oo caalami ah, wax ka beddal dastuur, dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee Cimilada, Sharci lagu kontaroolayo hubka iyo dib u habeynta garsoorka dembiyada.

“Waxaan u tartamayaa waalid kasta oo duni wanaagsan la doonaya carruurtiisa” ayey tiri haweeneydaan oo madaxa ruxeysa.

Hadalka Amy Klobuchar, oo ahaa mid ay aad uga fiirsatay diyaarintiisa iyo dhihidiisa ayaa cod iyo sacab ka helay dad ka mid ah taageerayaasheeda oo dhinaceeda ka qaylinayey.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.