Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

USA: Booliska magaalada Nashville oo xirey 5 carruur ah oo dil loo heesto

Nashville: Booliska magaalada Nashville ee xarunta u ah gobolka  Tennessee  ee dalka mareykanka, ayaa xirey shan carruur ah oo looga shakisan yahay inay dileen heeliiste caan ka ahaa Gobolkaas.

Carruurta la xirey, ayaa la maleynayaa inay xabado la dhaceen Kyle Yorlets oo ahaa xubin ka tirsan kooxda heelada ama Miyuusiga ku caan baxday   rock band Carverton .

Kyle Yorlets, ayaa la diley xilli la jabsanayey  guri uu deganaa, waxaana la sheegay inuu arkay qof ay guri wadaag yihiin oo xilli danbe soo toosay.

La tuhunsaneyaasha la xirey oo da’doodu u dhaxeyso 12 ilaa 16 ayaa wajihi doona eedaymo la xiriira qoor goynta qof aan waxba  ka galabsan oo ay naftiisa ku xadgudbeen.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.