Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso Wararkii ugu dambeeyay Weerar gaadiid looga furtay dadna looga dilay Al-shabaab

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka korneel Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay 5 dagaalame sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan.

Warar dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya howlgal la sheegay in lagu soo furtay gaadiid dhuxul siday laguna dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka shabeelaha Hoose.

Howgalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Leego ee gobolka shabeelaha Hoose.

Waxaana lagu soo waramayaa inta howlgalka uu socday inuu jiro dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada howlgalka waday.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka korneel Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay 5 dagaalame sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.