Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ku dhawaad toban qof oo ku dhimatay Dab ka kacay hotel ku yaala Hindiya

Warbaahinta maxaliga aha ayaa wariyay in Cunuga iyo hooyadii ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay dabka ka baxsadaan iyagoo kasoo booday daaqad dhulkana kusoo dhacay.

Dab qabsaday hotel ku yaala Magaaladda New Delhi ayaa dilay ugu yaraan Sagaal qof oo uu ilmo yar ku jiro, sida Saraakiil Dowladdda ka tirsan ay sheegeen.

Dabku waxaa uu saacadihii hore ee Talaadada ka kacay Hottel Qasri ah oo ku yaala bartamaha Delhi.

“Sagaal qof ayaa dhintay, Haweeneey iyo ilmo yar ayaa ku jira. Sadax kalena waa ay dhaawacmeen,” ayuu agaasimaha Waaxda Dab damiska u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Warbaahinta maxaliga aha ayaa wariyay in Cunuga iyo hooyadii ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay dabka ka baxsadaan iyagoo kasoo booday daaqad dhulkana kusoo dhacay.

Kooxda dab damiska ayaa soo badbaadiyay 35 qof oo halis ku jiray kadib howlgal qaatay saac.

Leave A Reply

Your email address will not be published.