Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xubno Ku Biiri lahaa Ururka Daacish oo Lagu Qabqabtay Duleedka Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku soo qabqabteen koox rag ah oo doonayay inay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalama buuraha Cal-miskaat .

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga facebooga ee ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgalku ka sameeyeen Buuraleyda iyo toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfurta bari ee magaaladda Bosaso.

“waxay maanta 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga #Gaaca,#Guban iyo #Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso, Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka #PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”

Ciidamada PSF waxay sidoo kale Baaq u direen shacabka Puntland “Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka #Amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah,si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.”

Dhowrkii billood ee la soo dhaafay Ciidamada amniga Puntland waxa ay samaynayeen howlgalo lagu sugayo amniga magaaladda Bosaso, halkaasi oo ay ka dhaceen dilal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayay dadka shacabka ah iyo ciidamada amniga.

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.