Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso Farmaajo oo khudbad ka jeedin doona xiritaanka shir madaxeedka Afrika

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).

Shir madaxeedka Hoggaamiyaasha Afrika ee Afrika Now ayaa lagu wada in maanta lagu soo gaba gabeeyo magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugandha kaas oo shalay furmay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka uu ka jeediyo xiritaanka shir madaxeedkaasi oo ay joogaan wafuud ka kala socota dalalka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wafuuda ka socota dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun waxaana shir-madaxeedkan looga hadlayaa sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).

Leave A Reply

Your email address will not be published.