Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ciidamada AMISOM. in uu taageerayo ayuu sheegay Madaxweynaha Faranskiiska

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Saacadaha uu ku joogay Jabuuti kahor inta uusan kaga sii gudbin Dalka Itoobiya ayaa lagu fasiray loolan cusub ee ka sameynayo Geeska Afrika gar ahaan Ganacsiga, waxa uu la tartamayaa Dalka Shiinaha oo kusii xoogeysanaya Geeska Afrika

Emmanuel Macron Madaxweynaha Faranskiiska ayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u ballanqaaday in uu taageerayo Ciidamada uu usoo diray Soomaaliya.

Macron; ayaa sheegay in saddex qaybood qayb kamid ah Ciidamada Jabuuti in ay joogaan

Soomaaliya, taasina ay muujineyso sida Jabuuti ay u daneyneyso Nabadda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

France iyo Jabuuti ayuu tilmaamay in uu ka dhaxeeyo Xiriir Soo jireen ah oo wanaagsan, sidaas awgeed ay diyaar u yihiin gacansiinta ay ugu baahan yihiin.

Xukuumadda Paris ayaa Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya joogo u aragta in ay u baahan yihiin kaalmo joogto ah, iyagane ilgaar ah u yeelan doonaan.

France ayaa Gumeysatay Jabuuti illaa ay xornimada ka qaadato 27-kii June 1977, tan iyo

waqtigaas Xukuumadda Paris ay waday in si dadban ay Jabuuti ugu lug lahaato Siyaasadeeda.

Saldhig militari oo ay ku sugan yihiin Ciidamo iyo Saraakiil Faransiis ah ayaa ku sugan Jabuuti, waxaana sidoo kale afafka looga hadlo kamid ah Faransiiska oo isticmaarsaday.

Faransiiska ayaa sheega in Jabuuti uu ka taageerayo la dagaalanka waxa loogu yeero

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Saacadaha uu ku joogay Jabuuti kahor inta uusan kaga sii gudbin Dalka Itoobiya ayaa lagu fasiray loolan cusub ee ka sameynayo Geeska Afrika gar ahaan Ganacsiga, waxa uu la tartamayaa Dalka Shiinaha oo kusii xoogeysanaya Geeska Afrika

Leave A Reply

Your email address will not be published.