Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Maxaa ka jira warar sheegaya in xubno ka tirsan Puntland ay ku wajahan yihiin Sanaag

Waftigaan ayaa u jeedkoodu yahay inay jawaab ka bixiyaan dhaq dhaqaaqyada ciidanka Somaliland maalmihii ugu dambeeyey ay ka samaynayeen deegaanka Yubbe.

Xubno ka tirsan Maamulka Puntland ayaa  gaaray Magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, xilli ay xiisad dagaal oo u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saakay  Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland iyo wafti ballaaran oo ka socda maamulka Puntland ay ku wajahan yihiin deegaanka  Yubbe ee gobolka Sanaag oo halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin Ciidamada Somaliland.

Xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, mudanayaasha barlamaanka, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa wararku sheegayaan inay booqan doonaan deegaanka Yubbe oo ku taal xuduudka Puntland ay la leedahay Magaalada  Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Waftigaan ayaa u jeedkoodu yahay inay jawaab ka bixiyaan dhaq dhaqaaqyada ciidanka Somaliland maalmihii ugu dambeeyey ay ka samaynayeen deegaanka Yubbe.

Leave A Reply

Your email address will not be published.