Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Muqdisho: Taliyaha CID oo ka bad baaday qarax nafta lagu dhaafin lahaa

Qaraxa markii uu dhacay durba waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo daqiiqado kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay.

Qarax ka dhashay gaari Saaruf ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama meel aan ka fogeyn Isgoyska Shaqaalaha ee waddadaasi.

Qaraxan oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa la sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay.

Balse warar aan helnay ayaa sheegaya in gaarigaasi uu lahaa Taliyaha dambi baarista CID Cumar Bille.

Qaraxa markii uu dhacay durba waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo daqiiqado kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay.

Wali laanta dambi baarista Ciidamada Booliska Soomaaliya ee CID wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaasi.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.