Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

40-Qof oo ku dhintay weerarkii lagu qaaday Masaajidka New Zealand (Video)

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha, Waxaana sii Kordhaya Khasaaraha Weerarkan  oo lagu tilmaamay mid Argagixiso .

Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Jacinda Ardern oo faahfaahin ka bixsay weerarka ayaa sheegtay inay ku dhinteen 40-Qof, Sidoo kalana ay jiraan Dhaawcyo kale, waxay sidoo kale Xustay in Kuwa Weerarka gaystay inuu Ku jiro nin u dhashay dalka Australia, Waxayna Tilmaantay inay maanta dalka New Zealand u tahay Maalin Madow, Dadka Falkaasi gaystayna aysan meel uga Banaanayn dalkooda.

Madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa noqday Hogaamiyihii ugu horeeyay ee Islaam ah oo si adag uga hadlay Weerarka ka dhacay Laba masaajid oo ku yaalla New Zealand, Wuxuuna u duceeyay Culimada iyo dadka dhibku soo gaadhay, Isagoo  xusay dhibaatada Cunsuriyadda iyo Islaam Nacaybka ee sii Kordhaysa.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.