Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso: Magacyada Soomaali ku dhimatay Weerar Argagixiso oo lagu Qaaday Masaajid ku yaalla New Zealand

Dad ka badan 40-Qof oo Soomaali ku Jirto ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaaday Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Magacyada qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday weerarka Masjidka lagu qaaday ayaa waxaa ka mid ah :-

Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo la sheegay in uu ahaa Macalin Dugsi,

Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaalladii Biyaha ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabbihii Aadan Diiriye.

Jameecada Masjidka ayaa xilliga uu weerarku dhacayay waxaa ay u fadhiyeen Salaada Jimcaha, waxaana ay mar kaliya maqleen dhawaqa rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Booliiska ayaa sheegay in dhowr Qof oo Haweenay ay ku jirto loo Qabtay Weerarka, Waxaana sidoo kale Baraha Bulshada lagu Baahiyey Muuqaal tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay “in markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse ay dadkii billaabeen in ay kala yaacaan.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.