Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Mareykanka: Donald Trump oo ka fal-celiyay natiijada Baaritaanka Muller

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo  ka jawaabayay natiijada Baaritaankii Muller  ayaa Twitterkiisa ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.”

Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”.

Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo.

“Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu dambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baaritaankiisa.

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.