Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Afghanistan: Talibanka oo qarax ku dilay askar Maraykan ah

Ugu yaraan sadex askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay qarax gaari oo lala beegsaday saldhiga weyn ee Bagram oo ku yaal duleedka caasimada Kabul.

Qaraxan dhacay Isniintii shalay ayaa waxaa sheegtay kooxda Talibanka oo ku tilmaamtay weerarkan mid ismiidaamin ah.

Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee bilihii lasoo dhaafay lala beegsado ciidamada Maraykanka ee dalkaasi ku sugan oo hada gaaraya 14.000 askari.

Talibanka ayaa si joogto ah u weerara ciidamada dowlada Afghanistan iyo kuwa shisheeye ee dalkaasi ku sugan, waxaana sidoo kale weerarada ku dhinta tiro badan oo shacab ah.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa bilowgii sanadkan sheegay in illaa tan iyo markii uu xilka qabtay 2014, weeraro kala duwan lagu dilay in ka badan 45.000 (afartan iyo shan kun) askari oo kamid ah ciidamada Afghanistan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.