Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dabley hubeysan oo dhakhaatiir ka afduubatay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dabley hubeysan ayaa magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ka afduubtay dhakhaatiir Ajaanib ah oo howlo samafal u jooga gudaha dalka Kenya .

Dhakhaatiirta oo tiradooda lagu sheegay labo dhakhtar ayaa dableyda hubeysan ee afduubatay ay dileen ilaaladooda ka hor inta aysan afduuban sida ay xaqiijisay dowladda Kenya.

Waxaa la rumeysan yahay in dhakhaatiirta la afduubtay loo soo weeciyay xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya iyadoona xogo qaar oo la helayo ay sheegayaan in dableyda afduubka geysatay laga yaabo in ay ka tirsan xoogaga Alshabaab.

Illaa hada lama heli karo warar intaasi dhaafsiisan oo la xiriira afduubka loo geystay dhakhaatiirtan hase yeeshee dowlada Kenya ayaa ku waramaysa in ay ku raadjoogto raggii afduubka geystay.

Si kastaba dhakhaatiirta la afduubtay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ka wadeen gobolka Waqooyi Bari kenya mashruuc daweyn ah oo ay dowladda Kenya garwadeen ka ahayd, dhamaan dhakhaatiirka la afduubtay ayaa asal ahaan la sheegayaa in ay kasoo jeedaan Wadanka Cuba.

Leave A Reply

Your email address will not be published.