Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Banaanbaxyo xoogan oo ka socda Muqdisho & Dadweyne careysan oo taayaro gubay (Sawirro)

Dadweyne Badan ayaa banaanbaxyo ka dhigaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka carooday dil askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u geystay ruux Bajaajle ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gubeen Taayaro, iyagoo sidoo kale xiray goobo ganacsi oo ku yaala goobta banaanbaxyada ka dhacayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilay mooto bajaajlaha sidoo kale inuu dilay ruux rakaab ahaa oo Bajaajta saarnaa, waxaana uu dhaliyay banaanbaxyada xoogan ee halkaasi ka socdo.

Dad badan oo wadayaal Mooto Bajaajta iyo shacab badan ayaa banaanbaxa dhigaya, waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la horkeeno ruuxa dilka ka dambeeyay.

Ma jiro ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka iyo banaanbaxyada ka dhacaya isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka banaanbaxa dhigaya ay sheegeen inaysan joojin doonin banaanbaxa ilaa laga qabto askarigii dilka geystay.

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.