Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Saddex qof oo lagu dilay deegaan ku yaalla duleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleeedka magaalada Muqdisho ku dishay Saddex qof oo saarnaa gaari yar oo marayay Isgoyska Ceelasha Biyaha.

Sida wararku sheegayaan dableyda weerarka geysatay ayaa rasaas ooda uga qaaday gaariga ay dadka Shacabka ah saarnaayeen, iyagoo weerarka kadib goobta isaga cararay, ka hor inta aysan gaarin Ciidamada amaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadka la toogtay ay dhamaantoodba ahaayeen rag, iyadoo aan la garanin sababta rasmiga ah ee dilka ka dambeysa, balse Ceelasha Biyaha waxaa ka dhacayay dilal leh ujeeddooyin kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dadka la dilay inay ahaayeen kuwa degan xaafadda Jabadgeele oo ku taallo Ceelasha Biyaha, iyadoo Kooxda weerarka geysatayna ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray howlgallo amniga lagu sugayay oo ay wadeen Ciidamada ammaanka.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.