Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

MUUQAAL: Aabbaha dhalay Bajaajle Muqdisho lagu dilay oo Arrin Murugo leh sheegay

Aweys Maxamed Diinle oo ah aabbaha dhalay wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay  degmada Waaberi ayaa muddo ka dib  sheegay in askarigii dilay wiilkiisa uu ku dhex jiro Madaxtooyada Soomaaliya, Islamarkaana aan waxba laga qaban.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ka dalbaday in askariga ka dambeeyay dilka wiilkiisa ee ku dhex jira madaxtooyada Soomaaliya in laga soo saaro, islamarkaana loo marsiiyo Caddaaladda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan tacsi la wadaagin qoyska wiilka uu ka dhintay, waxaana uu cadeeyay in hadda askariga uu ku dhex jiro madaxtooyada oo caddaalad ay ka sugayeen.

“Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa, madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsanaa in la ii toogto askariga dilka geystay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xitaa wali iigama tacsiyeynin dilka wiilkayga, habeen kastaa kama hurdo waan ku riyoodaa” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka.

“Dhaqaalo ma heysano, mootada deyn ayaan kusoo qaadanay, deyntii anigoo iska dhiibin ayaa la dilay wiilkayga, mootadana waa jajabtay, wiilkayga Markii Farmaajo la doortay mootada ayuu korkeeda ka dabaal dagay, haddana Alle ha u naxariisto xitaa nama dhihin”ayuu hadalkiisa kusoo daray.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.