Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso: Rag loo haysto Dilkii iyo kufsigii Caa’isha oo Garoowe loo gudbiyay

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Garowe  gaarsiiyay shan Ruux oo loo heysto kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay  Caa’isha Ilyaas Aadan ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal katirsan laamaha amniga ayaa Puntland ayaa sheegay  in raggaani ay ku jiraan kuwo iskudayay in ay baxsadaan oo ugu dambayn lagu guulaystay in gacanta lagusoo dhigo.

“Ma jirto cid hadda ka maqan gacanta Maamulka oo ku lug lahayd kiiska  marxuum Caa’isha” ayuu yiri Sarkaal katirsan maamulka Puntland.

Ragga loo hayo kiiska Caa’isha oo la sheegay in ay gaarayaan Todoba rag ah ayaa waxay isugu jiraan kuwo kiisku ku cad yahay iyo qaar kaloo loo haysto inay ku leeyihiin, kuwaasi oo wali ay baaritaano ku socdaan.

Eedeysanayaasha ayaa maxkamadda lasoo taagidoonaa Todobaadkaan soo socda, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.