Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhacdo xanuun badan Hooyo Canug ay ku dhashay Isbitaal oo looga Xaday Muqdisho

Hooyo Naciima Maxamed Maxamuud ayaa Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho looga xaday Wiil ay dhashay Khamiistii Shan Saac sida ay warbaahinta  u sheegeyn Aabe Mustaf Maxamuud Sheekh oo dhalay Wiilka la xaday iyo Maxamuud Sheekh Axmed oo Awoowe u ah Canuga la xaday.

Waalidiinta dhibkaan gaaray ayaa warbaahinta  u sheegay in Wiilka la xaday Hooyo Naciimo oo hurdaysa islamarkaana laba Gabdhood oo la joogayna ay aadeen Dukashada Salaadda Maqrib markii ay soo laabtayna ay waayeen Canugii yaraa Islamarkaana dhalnaa wax kayar 48 Saac.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa arintaan ku jira sida ay sheegeen Waalidiinta waxaana ay aad rajo xumo ugu muujiyeen sida ay Canugooda ku heli doonaan oo Labada Waalidba u ahaa Curud.

Hooyo Naciimo oo Qaliin martay markii ay Canugga dhalaysay ayaa sidoo kale la sheegay in ay wajahayso xaalad kale oo aad u adag sida uu sheegay Aabaha Canugga dhalay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.