Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Jubbaland Oo si adag ugu digtay Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanadaas.

Maamulka Jubbaland ayaa Odayaasha dhaqanka uga digay in ay soo raadiyaan xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ay gacanta ku dhiggaan Ciidanka Jubbaland inta ay ku jiraan howlgallada ay ka sameeyaan maagaalooyinka maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Jubbaland aysan aqbali doonin Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo Ciidanka Amniga ay soo qabteen in Odayaasha dhaqanka ay siidaayaan.

Waxaa uu xusay in maalmihii ugu dambeeyay Ciidanka jubbaland ay soo qabteen dhowr ruux oo Shabaab ka tirsan, islamarkaana ay jiraan Odayaal dalbaday in la siidaayo.

Janan ayaa sheegay in Jubbaland ay kula xisaabtami doonto Odayaasha maamulka Jubbaland sii deynta iyo u doodida Xubnaha sameeya falalka Amni daradda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.