Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

DAAWO: Wiil Hargeisa lagu xiray ka dib markii uu xirtay Maryo ka samaysan Calanka Soomaaliya

Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku xidhay wiil dhalinyaro ah oo kusoo lebbistay funaanad iyo surwaal midabka calanka Soomaaliya ah.

Dad badan ayaa sheegay in Wiilka Hargeysa loogu xidhay dharka la midabka ah Calanka Soomaaliyeed, wuxuu muujiyey inuu xor yahay.

Magaalada Muqdisho  waxaa inta badan lagu Arkaa dhalinyaro ka yimid deegaanada Somaliland oo gacanta ku xidhan Calanka Somaliland, Mana jirto cid dhibaato u gaysata ama Xidha, Sidoo kale Qofka Hargeisa ku noolaa Markii uu doono ayuu tegi karaa Muqdisho.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Wiilka  Hargeysa lagu xidhay ee loo haysto dharka u eeg Calanka Soomaaliya, Waxaana magaciisu yahay Cabdiraxmaan Aar, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradda u ololeeya cidhibtirka Qabyaalladda

Muuqaal lagu Baahiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya iyadoo Askari uu ka Xidhayo Gudaha magaalada, Sidoo kalana ay dad shacab ah ku Qaylinayaan Kuwaasi oo Codsanaya in la xidho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.