Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dawladda Kenya oo Dhaqaalle Xooggan ku bixineysa Muranka Badda Soomaaliya

Dawladda  Kenya  ayaaa dhaqaalle xogan ku bixineysa  Kiiska Muranka Badda ee kala dhexeeya Dawladda Soomaaliya, iyadoo Qareennada u doodaya labada dhinac  ay helayaan faa’idada ugu badan ee dhaqaale, Xilli kiiska murankani uu marayo meel xasaasi ah.

Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Qoray  in  wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ay ku bixisay lacag dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 3 milyan oo doolar.

Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo iminka ah 1.7 bilyan oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014, ka dib markii ay ku guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

“Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay baarlamaanka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go’aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sannado ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.