Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Gobolka Minnesota oo Kaalinta Sadexaad ka Galey Gobollada ugu Wanaagsan Mareykan

Gobolka Minnesota ee ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Mareykanka ayaa kaalinta sadexaad ka galey gobollada ugu wanaagsan  Mareykanka. Warbixin sanad walba la soo bandhigo ayaa muujiso kaalimaha gobollada kaga jiraan tartan hurimarinta aadanaha.

Gobollada ugu wanaagsan Mareykan waxaa lagu xullaa qodobada kala aha caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee wadooyinka iyo dhismayaasha muhiimka ah ay ka mid yihiin. Gobolka Washington ayaa galey kaalinta koowaad, halka New Hampshire ay labaad noqotey, Minnesota-na ay sadexaad gashey.

Gudoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz ayaa sheegay in maalgashigi waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta bulshada ay gobolka ka dhigtey meel wanaagsan oo lagu noolaado, laga shaqeysto, reerna lagu dhaqdo, balse aysan guushi nasiib ku imaan. Tim Walz ayaase intaas ku darey in sida ay wax yihiin ay ka sii wanaajin karaan.

Minnesota waa gobolka kaliya ee sadexdi sano ee la soo dhaafey sadexda gobol ee ugu horeeya ka mid noqoneysay. Sanadkii 2018-ki waxa uu gobolkan galey kaalinta 2, 2017-kiina kaalinta sadexaad halka uu sanadkan markale sadexaad galey.

Gobolka Ohio ee ay Soomaalida labaad ee ugu badan dalka Mareykanku nool yihiin waxaa uu galey kaalinta 39-aad. Maryland ayaa 6-aad gashey, Virginia 7, halka California ay 19-naad noqotey.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.