Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qorshaha howlgal ka dhan Shabaab ayay billaabayaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM

Muqdisho waxaa kulan gaar ah oo lagu jaangoynayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ku yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Madax katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Fadhiga ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay abaabulaan qorshe ciidan oo cusub oo lagu tagayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo in go’doonka laga qaado degmooyinka isku socodkooda ay joogsadeen.

Ambassador Francisco Madeira oo ah madaxa howlka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga ay guulo muuqdo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu xusay in Ciidamada qaranka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in Al-Shabaab ay ka saaraan goobaha ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato mas’uuliyadda Sugidda amnigeeda, waxa aad aragteen sabiid oo ay Soomaalida qabteen, waxaa sidoo kale aragteen Bariire oo ay hadda hayaan ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo meelo kale oo lamid ah, si wadajir ah ayaan usii wadi doonaa, waxa aan u gacan gelin doonaa ciidamada Soomaalida howlgalada qaarkood, Ciidanka AMISOM waa ay u madax banaaneen doonaan, sidoo kale waxa aan u gacan gelineynaa sidii ay u qaadi lahaayeen howlgalo ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska ay wada galeen labada dhinac ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin fulintiisa.

Madaxda AMISOM waxa uu ka dalbaday in ay lagu dhaqaaqo howlgalka ay qorsheeyeen, si aan waqti kale ku bixin diyaargarow kale sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood iyo hogaanka AMISOM ayaa dhammaadkii sanadkii tagay 2018-kii waxa ay ku dhawaqeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo la bilaabo horaanta sanadkaan 2019-ka.

Howlgalka ayaa u muuqda mid ku kooban deegaanno fara ku tiris ah, waxaana xoogiisa wada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.