Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wasaaradda Dekadaha Iyo Dekadda Muqdish ayuu Kormeeray RW Ku-xigeenka+Sawirro

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo dekadda Muqdisho.

Mahdi Guuleed ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Maryam Aways, agaasima waaxeedyada, khuburo kale oo ka howl gala wasaaradda iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Kormeerka uu dekadda ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayuu ku maray qaybaha kala duwan ee dekadda oo ay kamid tahay qaybta canshuurta dekadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka canshuuraha oo uga war bixiyay sida ay howshu u socoto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka dekadaha, agaasimayaasha iyo maamullada dekadda iyo canshuuraha in ay sii laba jibbaaraan howlaha ay qaranka ugu adeegayaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.