Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Booliska Kenya oo aad u adkeeyay ammaanka dalkaas

Booliska Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay sare u qaadeen amaanka dalkaas kaddib markii hanjabaadyo la xiriira weerarro argagixiso ay heleen.

Afhayeenka Booliska Dalka Kenya Charles Owino, ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay heleen xogo dhinaca sirdoonka ah islamarkaana ay jiraan xogo la isku hallayn karo oo ay tahay in laga hortago.

Waxaa uu Charles Owino, sheegay in sare oo qaaday amniga goobaha Cibaadada sida Masaajidda Muslimiinta iyo Kaniisadaha dadka aan muslimka ahayn.

Charles Owino, ayaa sheegay in Boolis farabadan loo daabulay maagaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya inta lagu jiro Bishan Ramadaan iyo Ciiddaba si ay u xaqiijiyaan amaanka.

June 2014kii, 150  qof ayaa dhimatay markii ay Al–shabaab weerarro ka geysteen gudaha Dalka Kenya iyada oo lagu jiray xilli Ramadaan ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.