Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

St. Paul oo Noqotey Magaalada ugu Liidato Gobolka Minnesota

Maalin ka dib marki uu gobolka Minnesota galey kaalinta sadexaad ee gobollada ugu wanagsan dalka Mareykanka ayaa warbixin kale oo maanta soo baxdey waxa ay sheegtey caasimada gobolka, St. Paul ay tahay magaalada ugu liidato gobolkan ee lagu noolaado.

Warbixintan ayaa lidi ku ah halqabsiga degmada St. Paul oo ah, “Magaalada ugu nolasha wanaagsan Maryekanka”. Warbixintan ayaa St.Paul kaalintaasi ku galisey danbiyada ka dhaca magaalada, qaasatan dilka iyo dhaca. Sida ay warbixintu qortey waxaa sanadki 2017-ki ka dhacay 651,danbiyada gacan ka hadalka ah 100,000 oo qofba. Halka 238 ay ka tahay guud ahaan gobolka Minnesota.

Tusaale ahaan, Minneapolis waa ay ka danbiyo badan tahay marka loo fiiriyo St. Paul, balse dhanka dadka ku noolna waxaa badan Minneapolis. Sidaas darteed ayey St. Pual ku qaadatey kaalinta koowaad xumaanta gobolka.

Guud ahaan danbiyada gacan ka hadalka ah ee ka dhaca dalka Mareykanka waxaa 100,000 lagu sheegay 383.

Sawirka: Degmada St. Paul.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.