Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xaaf “Farmaajo Hub ayaan waydiistay, Wuxuu yidhi Ma Caabudwaaq ayaad Weerari”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay weydiisteen inuu hub siiyo Galmudug, balse uu ugu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaa ku weerareysaan” hadalkan ayuu si gaar ah ugu durayay Madaxweynaha, maadaama uu ka soo jeedo degmasa Caabudwaaq.

Bartamihii sanadkii hore 2018 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay Diyaarad siday Hub iyo saanad ciidan ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana hubkaas loogu tala galay Ciidamada Galmudug iyo dadka deegaanka oo xilligaas Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Hadalka madaxwaynaha Galmudug uu ka sheegay Nairobi ayaa imaanaya iyadoo Madaxwayne Farmaajo uu xalay Cadeeyay in Xaaf uu Diiday Tallooyinkii loo jeediyey, islamarkaana uu ku sifeeyay Qof Xanuusan oo Hadana diiday Daawo loo Qoray.

Leave A Reply

Your email address will not be published.