Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Diyaarad toos uga duushay Garoowe oo ku degtay Sucuudiga

aroonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa  ka duushay diyaarad siday 120 qof oo sanadkan u cimra tegay magaaladda Maka ee Sucuudiga Carabiya.

Dadka Sanadkan cimro tegay waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole iyo xildhibaana ka tirsan gollaha wakiiladda DF Soomaaliya, Siyaasiyiin hore iyo ganacsato.

Dadkan oo u badan rag ayaa waxaa sii sagootiyay wasiirka wasaaradda duulista iyo garoomada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Dadkan ayaa ka faa’iidaysanaya maalmaha ugu dambeeya ee bisha ramadaan oo ay ku soo cibaadaysanayaan Xaramka iyo masjidka Nabi Maxamed (NNKH) ee Madiina.

Dhinaca kale, Guddiga dowladda federaalku u xilsaartay arrimaha xajka ayaa go’aan ka soo saaray qiimaha lagu xajin doono sanadkan, iyagoo qiimaha qofkiiba laga dhigay 3600 dollar Maraykanka, Halka madaxda iyo ganacsatada doonayso inay adeegyo gaar ah la siiyo ay bixin doonaan $5000kun oo dollar.

Diyaaradda ka duushay garoonka Garoowe ayaa si toos ah uga degaysa dalka Sucuudiga, Iyadoo markii hore ay Soomaalida inta badan lasii marin jiray Dalalka deriska ah.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.